Uncategorized

Rag lagu eedeeyay in ay weerareen Hotel Naasa Hablood laba oo la Maxkamadeynayo

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa qaaday kiiskan sedax eedeeysane oo loo heysto Qaraxii lala beegsaday Hotel Naasa Hablood laba ee magaalada Muqdisho.

Sedaxda eedeeysane ayaa kala Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo.

Weerarkaas ayaa dhacay 28kii October ee sanadkii tagay ee 2017-da Waxaana ku geeriyooday dad gaaraya 17 qof isugu bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad lagu qiyaasay ku dhawaad 40 qof oo kale.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markhaatiyaal ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha  iyo shacab kale.

Maxkamadda Daraja 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda  in ay go’aanka Maxkamadda  dib ka soo saari doonaan.