Somali News

Rag lagu eedeyay dil gabar Ardayad aheyd oo Maxkamad la horgeeyay.

Muqdisho-KNN-Shir jaraa’id uu maanta  Magaalada Muqdisho ku qabtay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in maanta maxkamd la horgeeyay rag ku eedeysan dil todobaadkii hore Muqdisho loogu geystay gabar ardayad ahayd.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen sadex qof oo loo heysto wiil yar oo xalay meykiisa lagu arkay xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, isagoona sheegay in aysan waxba ka jirin warar ay dadka qaar baraha bulshada ku faafiyeen, kaasi oo ahaa in wiilka xalay meydkiisa lagu arkay degmada Yaaqshiid, lagala baxay beerka iyo kiliyaha.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xilli dilal maalmihi u dambeyay siyaabo arxan darro ah uga dhacay Muqdisho la sheegay in ciidanka Booliska ay dad u qabteen.