Garoowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe gaarsiiyay shan Nin oo loo heysto kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.
Sarkaal katirsan laamaha amniga ayaa Puntland ayaa sheegay in raggaani ay ku jiraan kuwo iskudayay in ay baxsadaan oo ugu dambayn lagu guulaystay in gacanta lagusoo dhigo.
“Ma jirto cid hadda ka maqan gacanta Maamulka oo ku lug lahayd kiiska marxuum Caa’isha” ayuu yiri Sarkaal katirsan maamulka Puntland.
Ragga loo hayo kiiska Caa’isha oo la sheegay in ay gaarayaan Todoba rag ah ayaa waxay isugu jiraan kuwo kiisku ku cad yahay iyo qaar kaloo loo haysto inay ku leeyihiin, kuwaasi oo wali ay baaritaano ku socdaan.
Eedeysanayaasha ayaa maxkamadda lasoo taagidoonaa Todobaadkaan soo socda, sida ay maxkamaddu sheegtay.