Somali News

Rag loo soo qabtay dilka Saraakiishii Soomaaliland

Ceerigaabo-KNN-Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa ku dhowaad Sedeed ruux ku soo qabtay baaritaano ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.  

Ragaasi oo laga soo kala qabtay tuuloyin kala fog fog ayey sheegeen Ciidamadu in loo heyso dil todobaadkii hore loo geystay labo Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland.

Afar kamid ah raga lasoo qabtay ayey sheegeen Ciidamadu in ay ka soo qabteen deegaanka Gar-adag oo lagu dilay Saraakiil socdaal eheed oo wadada loo galay, kadibna la dilay.

Gaashaanlle Cabdullaahi Axmed  iyo  Taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska deegankaa  laba xidigle Nuur Aw Cali, ayaa Todobaadkii hore lagu dilay weerar dhaba gal ah iyagoo marayay deegaanka Gar-adag kuna sii jeeday deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolka Sanaag.

Wasiirka arimaha gudaha Somaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbaahinta la wadaagay in dilkii Saraakiishaas loo soo qabtay Sedeed ruux haatana ay baaritaano ku wadaan.