Somali News

Rag Miinooyin aasayay oo lagu dilay duleedka Balcad

Muqdisho-KNN-Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay toogteen rag miinooyin ku aasayay dulleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan militiga Soomaaliya oo ku sugan Balcad ayaa sheegay in ay dileen rag miinooyin ku aasayay inta u dhaxeysa Balcad iyo Gololeey.

Ma jiraan faahfaahin intaasi ka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga eek u sugan degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Waddada xiriira magaalooyinka  Balcad iyo Jowhar ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay qaraxyo lalal eegsaday ciidamada xoogga iyo AMISOM ee wadadaasi ku safra.