Nairobi-KNN-Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa dhagaysatay dacwad loo haysto 4 ruux oo Hindi ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay hub ka iibiyeen Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya iyo Kenya ka dagaalanta.
Wargeyska The Star ayaa qoray in Afartaan ruux oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya haddana ay ku lug yeesheen kiis ah inay hub u gudbiyaan Al-Shabab ayagoo kasoo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Afartaan ruux ee Hindida ah Sadex ka mid ah ay wada dhasheen waxaana la hor geeyay cadaymo boolisku sheegay inay baaritaan ku ogaadeen.
Hubka ay Al-Shabab ka iibiyeen waxaa lagu sheegay inay ku jireen qoryaha fudud iyo bambaanooyin sida boolisku sheegay.
Baaritaan lagu sameeyay guri ay magaalada Mombasa ka deganyihiin ayaa boolisku sheegay inay ka heleen hub fara badan kaasoo qorshuhu ahaa in Soomaaliya loo soo gudbiyo kadibna Al-Shabab laga iibiyo.
Magacyada Hindidaan lagu eedeeyay inay hubka Al-Shabab u keeni jireen waxaa lagu sheegay Baktash Akasha, Gulam Hussein, Ibrahim Akasha iyo Vijaygiri Goswami
Eedeysanayaashaan ayaa sheegay in hubka laga helay gurigooda ay isku illaalinayeen maadaama ay dhawr jeer la kulmeen hanajabaad ay sheegeen inay uga timid cid ay garanayn.