Somali News

Rag watay hub laguna eedeeyay Shabaabnimo oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada amaanka ee Muqdisho ayaa waxaa la Sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen rag watay Bambaanooyin iyo hubka fudud oo ah nuuca inta badan lagu geesto dilalka iyo weerarada qorsheeysay ee Caasimadda ka dhaca.

Gudoomiye Ku Xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta usoo bandhigay Shan Bambo, Labo Bastooladood,Iyo Waraaq la sheegay in ay soo qoreen Shabaab, waxaana Sidoo kale lala soo qabtay Qalabkan Lix qof oo haweeneey ay ku jirto.

Gudoomiye Tuulax ayaa tilmaamay in Howgal ay sameeyeen Ciidamada amaanka uu kaga mahaqnaqayo, waxa uuna intaa ku daray In ragan ay ku wareejiyeen Waaxda danbi baarista ee CID-da.

Gudoomiyaha ayaa Ugu danbeeyn Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxa uu usoo jeediyay in ay ka feejignaada dadka ay guryaha ka kireeynayaaan, waxa uuna usoo jeediyay inta aysan guryahooda kireeyn in ay iska hubiyaan dadka ay soo galinayaan, oo Laamaha amniga ay soo marsiiyaan.