Somali News

Ragg ka ganacsanayay maanka dooriyaha oo lagu soo qabtay Qardho

Qardho-KNN-Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen ay magaalada Qardho, iyadoona halkaasi lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka ganacsanayay.

Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriyaha  iyo raggii watay, kadib markii xalay howlgal xalay laga sameeyay magaalada Qardho.

Saraakiisha qeybta Booliska gobalka Bari ayaa sheegay in maandoorayaashan ay ku soo qabteen dad si sharci-darro ah uga ganacsanayey gudaha degmada Qardho , waxaana ay tilmaameen in xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii ka ganacsanayey mukhaaddaraadkaasi.

Waxaa kale oo saraakiisha Booliisku sheegeen in ay soo qab-qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo habeenkii dhibaato u geysta shacabka ku nool magaalada Qardho.