Somali News

Ragg lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu qabtay Shabeellada hoose.

 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  Howlgalo Amni  lagu Xaqiijinayo  Kawada Wadada  udhexeeysa Shalaanbood iyo Afgooye ee gobolka shabeelada hoose.

Ujeedka howlgalkani ayaa ahaa xaqiijinta amaanka wadada isku xirta degaanka shalaanbood iyo degmada afgooye ee gobolka shabeelada hoose .

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku guda jireen waxay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay katirsanyihiin dagaalamayaasha  al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha ururka 14aad guutada 14 october dhamme cisman Muuse Mohamed aya warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ammaanka ay wadeen howlgalo qorsheysan oo looga hortegaayo falalka amni daro ay Al-Shabaab ka geystaan gobolkaasi.

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa kordhiyey howlgalada  dalka looga saarayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.