Somali News

Ragg loo haystay weeraro ka dhacay Muqdisho oo maanta xukun dil ah lagu fuliyay.

Muqdisho-KNN-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay waxaa ay xukun dil ah ku fulisay 3 xubnood oo ka tirsanaa daalamayaasha Al-shabaab oo ka mid ahaa ragii weeraray hotel Nasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Sedexda dagaalame ee  saakay maxkamada xukunka dilka ah ku fulisay  ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir  Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji.

Raggan saakay  xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa  bartamihii sandkii  2017dii weeraray  hotel Naasahablood 2 oo Kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya.

Xubnahan ayaa weerar qaraxyo iyo dagaal is xig xigay waxaa ay ku qadeen 28 octobar 2017dii hotel Naasahablood ee degmada Xamarweyne ee gobolka banaadir