Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo ka hadlay waxa ay kala hadlayaan Shiikh Mustaar Roobow Abuu Mansuur.

Muqdisho-KNN- Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Cali Roobow “Abuu Mansuur” in hada uu u socdo wada hadal, kadib markii dhawaan uu isku soo dhiibay Dowladda.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Muqtaar Roobow ay Muqdisho keeneen Ciidamo Soomaaliyeed, oo aanay jirin Ciidamo cadaan ah oo ka shaqeeyay in Roobow uu Dowladda isku soo dhiibo.

Wuxuu sheegay Khayre marka uu soo idlaado wada hadlaka Roobow in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto khibrada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo.

Sidoo kale Kheyrre ayaa cadeeyay in Arimaha ay muqtaar roobow ay tahay wadajirka Soomaaliya iyo sidii uu gacan ugu geysan lahaa soo afjaridda Dagaalka Al-shabaab.