Uncategorized

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Lubnaan oo Is Casilay.

Muqdisho-KNN-Telefishinka Qaranka ee Dalka Lubnaan ayaa baahiyay in uu is casilay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Sacad Al Xariiri.

Sacad Al Xariiri Ra’iisal Wasaaraha Dalka Lubnaan ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas kaddib markii uu booqasho ku tagay Dalka Sucuudiga.

Al-Xariiri waxa uu TV-ga dowladda ka sheegay in uu shaqadaas iska casilay kaddib markii sida uu hadalka u dhigay u baqay amaankiisa,waxaana uu dhaliil u jeediyay dowladda Iraan.

Waxaa uu si lama filaan ah u cambaareeyay Iraan iyo Ururka Shiicada ah ee Xisbullah,waxaana uu xusay in Ciidamada Iraan ee jooga Syria iyo Xisbullahba si dhaqsi ah looga saarayo Gobolka.

Sacad ayaa sheegay in Xaaladda Dalka Lubnaan ee hadda ay la mid tahay tii 2005tii ee Aabbihii Rafiiq Al Xariiri uu Ra’iisal wasaare ahaa lagu khaarijiyay,waxaana uu hadda ku doodayaa in uu naftiisa u baqayo.

Xilkan waxaa loo dhiibay Dhamaadkii 2016kii,waxaana uu soo dhisay Gole wasiirro oo 30 gaaraya kuwaas oo ay xubno ku leedahay Xisbullah.