Somali News

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay Wasiirro Cusub.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu magacaabay wasiiro cusub oo kamid noqonaya Golahiisa Wasiirada.

Wasiirada la magacabay ayaa isugu jira wasiirro , wasiiru dowle iyo wasiir ku xigeen.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha ayaa Wasiirka waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya loogu magacaabay Cabdullahi Goodax Barre , Wasiirka wasaardda diinta iyo owqaafta ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay  Shiikh Nuur Maxamed Xasan.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ayaa waxaa loo magacaabay Xuseen Shiikh Maxamuud Xuseen , Wasiirka kallumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa loo magacaabay  Cabdullahi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay Cabdulqaadir Shiikh Cali Baqdaadi.

Halka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo loo magacaabay Shawaqar ibraahim Cabdalla

Wareegtadan ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay Wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele waxaana ay dhaqan gashay isla maanta.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu maanta u baxay dalka Sudan oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay.