Somali News

Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson oo war ka soo saray doorashada Joe Biden

London-KNN-Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa codkiisa ku biiriyay hoggaamiyayaasha caalamka ee u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamla Haris.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay inuu rajeynaya inuu wadashaqeyn la yeesho maamulka cusub ee madaxweyne Joe Biden.

Johnson iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa cambaareyn la kulmay isbuucan kadib markii ay iska diideen inay dhalleeceyaan sheegashada aan hubaasha lahayn ee Trump ee ahayd in doorashada lagu shubtay.