Uncategorized

Ra’iisal Wasaare khayrre oo muqdisho ka furay Shir lagu heshiisiinayo Beelaha dega M/Marka.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda dhexe iyo koonfur Galbeed ayaa maanta muqdisho ka furay shir lagu heshiisiinayo Beelo sanado ku dagaalamayay gobalka Shabeelaha Hoose.

Xafladda furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ayaa ka dhacday Hotel ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ah odayaal iyo siyaasiin ka soo jeeda Beelo  sanado badan dad isaga dilay Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiinta ka hadlay Shirkaan ayaa sheegay in ujeedada shirka uu yahay xalinta dhibaatada ka taagan magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose, oo aan xasilooni yar ama daganaansho arkin ugu yaraan Lix sano.

Shirkaan maanta ka furmay magaalada Muqdisho maahan mid lagu xalinayo dhamaan beelaha daga gobalka laakiin waa shir u gaar ah Labo ka mid ah Beelaha gobalka oo sanado ku dagaalamay Marka iyo Nawaa-xigeeda.

Madaxda Shirka ka qayb galay ayaa dhamaantood qiray in loo baahan yahay xasiloonida gobalka si looga gudbo hormar la’aanta iyo amni darada ka taagan gobalka dhaqaalaha badan ee shabeelaha Hoose, balse dadkiisa ay yihiin kuwa maanta ugu baahida badan.

Wali ma soo dhamaanin Shirka ka socda Muqdisho waxaana socda Jeedinta Khudbadaha ka qayb galayaasha waxaana la filayaa in uu maalmo qaato rajada waxay tahay in laga gudbo dhibaatooyinka magaalada Marka is fahamna laga dhax-abuuro Beelaha dagaalka ku kala tagay balse cawaaqib xun ka dhaxlay.

Inkasto marka iyo Nawaaxi-geeda Beelaha Daga loo raadinayo xal nabadeed, hadane gobalka meelo kale oo ka mid ah waxaa ka Olalaya dagaal beeleed kale kaas oo soo jiitamayay ugu yaraan Labo sano, Lama oga goorta si guud loo xalin doono dhibaatooyinka Shabeelaha Hoose.

Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaa mara Wabiga Shabeelle Dadkiisu Waa Xoolo dhaqato iyo beeralay Shabeelaha Hoose, waa gobalka Koowaad ama Labaad ee ugu Khayraadka badan Soomaaliya balse maanta waa gobalka ugu Colaadda iyo Baahida badan Soomaaliya, dadka ka soo jeeda waa kuwa ugu barakaca badan waxayna daadsan yihiin duleedka muqdisho iyo meelo kale.