Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayrre uu wado qorshe uu isku shaadhayn ugu sameynayo Golahiisa Wasiirada , sidoo kalane la magacaabo Wasiirada boosas ka banaan Xukumadiisa
Kulamo joogta ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in isku shaadhayn lagu sameeyo Wasiiradiisa, waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah aysan ku soo laaban Saaxada Siyaasadda ee Xukumadda khayrre.
Xogta ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaysa in la magacaabi doono Jagada Wasiirada Banaan oo kala ah Warfaafinta, Gar-gaarka iyo Musiibooyinka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, oo qaarkood muddo Bilooyin ah ka banaan Xukumadda Khayrre.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Xilka laga qaadi doono Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya ee uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar isloow, sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in la magacaabi doono Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo Bishii October Xilka laga qaaday markii ay qaraxyo ruxeyn Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Khyrre ayaa isku dayaya in uu xakameeyo Wasiirada xariirka la leh siyaasiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukumaddiisa, waxaana Wasiirada qaar la sheegay in ay Xilkooda ku weyn doonaan sidii ay uga fal celiyeen weerarkii ay Dowladda ku qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Guddoomiye Taabid iyo Khilaafka Ra’iisal Wasaare Khayrre ayaa sidoo kale ka soo bilaawday Xeragii C/raxmaan C/shakuur oo ay raali gilin ka bixiyeen isaga iyo Wasiirka amniga.
Xubnaha la magacabayo ayaa la sheegay in uu ka soo dhaxmuuqan doono mid ka mid ah Murashaxiintii la soo tartantay Madaxweynaha Soomaaliya inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in xilkaasi magacaabistiisa ay ku xiran tahay magacaabista taliyaasha amaanka Soomaaliya.
Muqdisho ayaa wajaheysa Guux siyaasadeed oo adag, balse kuma cusbo jahwareerka siyaasadeed Muqdisho, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muqdisho waxay marti gilisay Jahwareer siyaasadeed oo qaarkood Cabsi amni ka dhalatay.