Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda China.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa Dowladdda China uga n=Mahad Caliyay taageerada ay siiso Soomaaliya isagoo ka dalbaday in ay dalka ka bilaawdo Shaqo Abuur iyo Mashaariic dhismooyin ah sidii hore loogu yiqiinay Dowladda China.

Dowaldda Shiinaha ayaa Soomaaliya u balan qaaday in ay garab taagnaan doonto Islamarkaana ay ka Caawin doonto dhinaca Mashaariicda iyo Taageeridda Shacabka Soomaaliyeed.

China ayaa Madaxda Cusub ee Soomaaliya uga mahad celisay sida ay ula dagaalamayaan Musuq Maasuqa waxayna kula dar daarantay in ay Xoogga saaraan dhismaha Ciidan Soomaaliyeed oo hanta amaanka Dalka.