Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo maanta kormeer ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Dekada Magaalada Muqdisho oo la sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyay shaqadeeda ay korartay.

Kormeerkan Ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle.

Xasan Cali Kheyre ayaa u kuur galay sida ay u socdaan hawlaha kala duwan ee Dekada Magaalada Muqdisho, isagoona kulan la qaatay maamulka Dekada oo ka warbixiyay hawlaha socda.

Dowlada Soomaaliya ayaa balanqaaday inay la dagaalami doonto musuq maasuqa, waxayna booqashada Ra’iisul wasaaraha qeyb ka tahay inuu la socdo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Muqdisho.