Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Virginia.

Virginia-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada oo ku sugan Dalka Maraykanka oo ay kaga qeyb galeen Shirkii Golaha Guud ee Q.M. ayaa Xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Ku nool Gobalka Virginia Isagoo kala hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa Jaaliyadda Soomaalida u sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso dhinacyada amaanka Dhaqaalaha iyo Dhismaha Ciidanka balse ay jiraan Culeesyo kale oo ay wajaheyso kuwaas oo u baahan in wadajir looga Gudbo isagoo ka codsaday Jaaliyadda Soomaalida in ay taageeraan Soomaaliya.

“Somalia waa soo kabaneysaa waxaana sameynay Ciidanka Xasilinta oo waxbadan ka qabtay amaanka muqdisho, waxaan ku guda jirnaa dhismaha Ciidan Qaran, waxaana sidoo kale bixinay dhamaan Mushaaraadka Ciidanka iyo Shaqaalaha rayidka ah” ayuu u sheegay in Ra’iisal Kheyrre.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa cod dheer ugu qeyla dhaamiyay Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka in ay dalka ku taageeraan, Dhaqaalo, Maskax iyo Xoog Ciddii aan taageeri karaine aysan ka qeyb qaadan Duminta qaranka oo ay ka aamusto.

Dhinaca Kale Banaanbaxayaal Careysan ayaa ku hor banaanbaxay Xaruntii uu ku sugnaa Kheyrre kuwaas oo waqti kooban hakad giliyay Khudbadii Ra’iisal Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa watay Boorar ay kaga soo horjeedaan Ra’iisal Wasaare Kheyrre sida ay Baahisay Idaacada VOA kuwaas oo markii danbe gudaha u soo galay Halkii uu ka hadlaayay Ra’iisal Wasaaraha kadibna ay buuq ka dhax-dhaliyeen inkastoo markii danbe la xaliyay.

VOA-da oo aan warkana ka soo xiganay ma sheegin waxa ay dadka ka banaanbaxayeen ama ay ka cabanayaan balse waarar kale ayaa sheegaya in Banaanbaxayaasha ay ka soo horjeedeen go’aankii ay xukumadda C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi dhagax” ugu Gacan gilisay Itoobiya.