Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Khyerre oo lagu wado in dhawaan uu booqdo magaalada Boosaas ee Puntland.

Boosaaso-KNN-Warar ay heleen warabahinta ayaa sheegaya in dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tagayaan magaalada Boosaaso ee xarunta gancasiga puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu qorsheynaayey in uu booqdo magalada Boosaaso, waxaana Madaxweynaha ka soo dhex galay safarka Boqortooyada Sucuudiga uu ku aaday maalmo ka hor  waxaana dib loogu dhigay safarkiisa bisha Oktoobar ee Sanadkaan.

Waa markii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ka baaqdo Safarka Puntland tan  iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya waxa safarkisii hore ee u ka baaqday u aha xiligi isku shan dheynta lagu sameyey golah wasiirada ee mamaulka puntland.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya wali  kama hadlin wararka sheegaya booqasho uu kheyre ku tagaayo magalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Xubno kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa warabhinta  u sheegay in uu jiro qorshe ay ku imaanayaan Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo hadda dalka Ka maqan.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ay ku sugan yihiin Madaxda Maamulka Puntland ee uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi Wali Maxamed Gaas.