Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo warfdiga la socda ayaa socdaal ku maraya wadanka India waxaana saacadihii la soo dhaafay ay kulamo la qaataan hogaanka ugu sarreeya wadankaasi.
Dadka uu la kulmay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka India Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Narendra Modi, waxaana kulankooda uu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada India
Kulankoodi ka dib ayaa mas’uuliyiintan waxay ka qaybgaleen kulan casho sharaf ah oo madaxda Dalka India ay u sameeyeen wafuud ka socota 121 Dal oo ka qeybgalaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.
Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.