Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Q.M.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyrre R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres isagoo kala hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Kheyrre sheegay in ay ka wadahadleen sidii Q. M. ay usii xoojin la aheyd taageeradda ay siiso Soomaaliya.

Qodobadda ay sidoo kale falanqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah sida wax looga qabankaro Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyrre ayaa u sheegay Xogahayaha Q.M. in Dowladiisa ay u baahantahay Taageero weyn oo ay ka hesho Q.M. isagoo balan qaaday in ay waxqabad la imaan doonto.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya maalmahan la qaadanayay Madaxda ka qeyb galayso Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.