Somali News

Ra,iisal wasaare Xamse oo sheegay in Dalka dhowaan ay ka dhici doonaan isbeddalo waa weyn.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in soddonkii sano oo ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyada kale ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax badan kusoo kordhiyay.

Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka dadaal badan sidii hore, si dalka uu uga daba tago dalalka asaasigiisa ah ee horumarada kala duwan ku talaabsaday.

Raysal wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha ee ku saabsan aqoon is weydaarsiga Hanaanka Jiheynta dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay laf dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.