Somali News

Ra’iisalwasaare Kheyre oo sheegay in dib loo dhisayo Tiyaatarka iyo Maktabadda Qaranka.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda soomaaliya xasan cali kheyre ayaa sheegay dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada qaranka kuwaasi oo ku bur buray dagaaladii sokooye ee dalka soomaray.

Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Soomaaliya iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeeed.

Xasan cali kheyre Ra’iisal wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyarada soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin.

Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdsiho.

Carwadaan ayaa iskugu yimaadaan boqolaal qalinley soomaaliyeed ah oo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa iyagoona soo bandhigay buugaag kala duwan oo ka hadlaya dhaqanka iyo afkeena Soomaaliya.