Muqdisho-KNN-Boris Johnson ama Jeremy Hunt midkood ayaa noqon doona hogaamiyaha cusub ee xisbiga concervative-ka Talaadada maanta ah iyadoo Natiijada la soo saari doono, sida ay sheegtay Theresa May.
Natiijadda codbixinta 160,000 ee xubnaha xisbiga ayaa shaca laga qaadi doonaa ka hor 12:00 ka duhurnimo ee xilliga magaaladda London.
Qofka guuleeysta ayaa si rasmi ah u noqon doona Ra’iisul wasaaraha cusub maalinta Arbacada ah.
Boris Johnson oo horay usoo noqday Duqii London iyo Wasiirkii arrimaha dibadda ayaa loo arkaa in uu qarka u saaranyahay guul, inkastoo Xubno sare oo muhiim ah ay sheegeen in aysan la shaqayn doonin.
Ra’iisul wasaare May oo maanta ay xilka igu dambeyso ayaa isla maanta waxay gudoomin doontaa Shirkeedii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiiradda.
Berri oo arbaco ah ayey Iscasilaadeeda u gudbin doontaa Boqoradda Uk.