Uncategorized

Ra`iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo maanta booqanaya magaalada Jigjiga

Muqdisho-KNN-Ra’aysul wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa Maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tago Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Mr Abiy ayaa Magaalada Jigjiga kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta ismaamulka Soomaalida, hoggaanka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo la filayo in kulamadasi diiradda lagu saaro shaqaaqooyinkii Gacan ka hadalka sababay ee dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada Dalkaasi

Abiy Axmed Cali ayaa sidoo kale booqasho ku tagi doono degaannada kale ee Itooobiya ka kooban tahay inta uusan soo dhisin Golahiisa Wasiirrada, isagoo Qoomiyad walba lagu wado inuu la kulmo hoggaankeeda siyaasadda iyo kan dhaqanka.

Abiy oo dhawaan loo doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi ayaa beddelaya Hailemariam Desalegn, oo xilkaasi iska casilay markii ay Dalka Itoobiya hareeyeen mudaharaadyo rabshada wata oo ay hoggaaminayeen Qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada.

Dhinaca kale waxaa Dalka Itoobiya dib ugu howl-galay adeeggii Isgaarsiinta, gaar ahaan Internet-ka iyo baraha Bulshada oo muddo ku dhow Afar Bilood xannibnaa , ka dib markii lagu soo rogay xaalad degdeg ah oo lagu xakamaynayay kacdoonno halkaasi ka dhacay.