Somali News

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo qarka u saaran inuu ku guuleysto doorashada dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendara Modi ayaa ku horeeyay malaayiin cod oo la tiriyay ee Doorashadii Lixda Isbuuc ka socotay Hindiya.

Natiijadda Gobollo badan oo ay ku jiraan kuwa sida adag loogu loolamay ayaa muujineysa in Xisbiga uu hogaamiyo Modi ee BJP uu helay Boqolaal Million oo cod, walise waxaa dhiman tirin codadkii laga dhiibtay Goballo badan.

Wali Xisbiga mucaaradka ee uu hogaaminayo Rahul Gandi ayaan ka hadlin Natiijadda hor dhaca ah, balse meelaha looga guuleeystay waxaa ka mid ah Gobolka Maharashtra oo dadkiisu ayla egyihiin dadka ku nool dalka Mexico.

Waqti ayaaa k harsan xilligii loo qorsheeyay in Guddiga Doorashadu uu ku dhawaaqo Natiijadda. Doorashadda Hindiya ayaa Doorashada ugu weyn uguna dheer Dunida waxaana u qalma in ay codeeyaan 900 million dad gaaraya.