Somali News

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay in uu dalkiisa ku darayo qayb ka tirsan dhulka Falastiin.

Muqdsho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisa ku dari doono Dooxada Jordan ee ku taala Daanta Galbeed ee dalka Falastiin, hadii uu ku guuleeysto doorashada guud ee Todobaadka soo socda dhici doonta.

Hadalkaan ayaa sheegay isagoo olole adag ugu jira sidii uu ku heli lahaa Aqlabiyad baarlamaan kadib markii xisbiga uu hogaamiyo ee Lukud uu waayay Aqlabad baarlamaan doorashooyinkii is xig xigay ee lasoo dhaagay.

Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa sheegeysa in labo xisbi ay kaabiga ku hayaan xisbiga Netanyahu islamarkaan ay adagtahay in uu helo Aqlabad uu xukuumad kusoo dhisi karo, waxaana uu u baahan doonaa Isbaheysi si uu Xukuumad u dhiso.

Netanyahu ayaa sheegay in Dooxada Jordan ee Daanta Galbeed ay muhiim u tahay Amniga iyo Madax banaanida Isra’iil.

Sanadkii 1967 dii ayey Isra’iil qbsatay Daanta Galbeed.