Somali News

Ra’iisul Wasaaraha Israel oo la weydiistay in uu soo dhiso dowlad cusub.

Muqdisho-KNN-Madaxwayanha Isarel Reuven Rivlin ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waydiistay in uu soo dhiso dowlad cusub.

Dalabkan ayaa imaanaya xilli Mr Netanyahu iyo xisbigiisa ay ku guul dareesteen in helaan aglabiyada kuraasta baarlamaanka si ay usoo dhisaan dowlad awood badan.

Netanyahu ayaa sidoo kale ku guul dareestay in heshiis lagu dhisayo dowlad wadaag ah lagaaro taliyihii hore ee militariga Benny Gantz, oo ay xisbigiisa ku guulaysteen badi kuraasta baarlamaanka.

Doorashadii guud ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacayday Israel, ayaa ahayd tii labaad oo isla sanadkan gudihiisa ka dhacdo Israel.   

Xisbiga Mr Gantz ee Blue and White ayaa ku guulaystay 33 kursi halka xisbiga Mr Netanyahu ee Likud party uu ku guulaystay 32 kursi oo kamid 120 kursi ee baarlamaanka.

Mr Netanyahu yaa haatan haysta lix todobaad in uu kusoo dhiso dowlad.