Somali News

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo qarax ka badbaaday.

Adis-ababa-KNN-Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa goor-dhaw baahisay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka badbaaday Qarax ka dhacay goob uu Khubad ka jeedinayay oo ku taala Caasimadda Dalka Itoobiya ee Adis.

Si dhab ah looma oga nuuca qaraxa dhacay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ka imaanaya Dowladda iyo dadkii ku sugnaa Fagaarihii ay ka socotay Khudbadda Ra’iisul Wasaare Abey Ahmed Ali oo ay ku sugnaayeen Boqolaal dad ah.

Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka badbaaday Qarax loo adeegsaday Muraayado ka soo dhacay Dhismo ku yaalo halkii uu taagnaa Ra’iisul Wasaare Abey Ahmed , ma jirta warar intaas dhaafsiisan oo laga haayo