Uncategorized

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Dowladda Turkiga

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Shalay Gelinkii dambe ka qeyb galay Munaasabad loogu Dabaaldagayay Maalinta Xoriyadda Dalka Turkiga oo lagu qabtay Safaaradda Turkigu uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa Hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda Turkiga oo Shalay u Dabaaldagay Maalinta Xoriyadda Dowladda Turkiga,waxaana uu sheegay in asagoo Wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya uu Hambalyo u dirayo Dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Turkiga.

Munaasabadda lagu qabtay Safaaradda Turkiga Ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland,Galmudug,Hirshabelle,Jubbaland iyo Koofur Galbeed,iyadoo sidoo kale uu Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.