Uncategorized

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Senetor Al Franken

Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolke Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa Washington DC kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Senatorka oo soo gaadhay VOA ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xannibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kalee Maraykanka.

Senator Franken ayaa sheegay in xannibaaddan dhinaca socdaalku inay dhaawac u keenayso Soomaalida ku dhaqan gobolka laga soo doorto ee Minnesota, wuxuuna sheegay inuu ka dagaalami doono isla markaana barbar istaagi doono bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho.