Uncategorized

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Qadar iyo Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka Wasiirka arimaha dibada dalka isku taga Imaaradka Carabta oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Kheyre kulanka uu la qaatay Wasiirka arimaha dibada Imaaradka Sheikh Cabdullahi Bin Zaayid Al-nahayaan ayaa diirada lagu saaray muranka Khaliijka ka dhex jira iyo go’aanka ay Soomaaliya ay dhex dhexaad uga noqotay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa war kooban uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in xaaladda hadda taagan uu kala hadlay wasiirka ayna isla garteen labada dal inay kawada shaqeeyaan sidii xal looga heli lahaa.

Ilo wareedyo ku dhowaa kulanka ayaa sheegaya in mowqifka ay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka kula safteen Imaaradka,Sacuudiga iyo Baharain ay ahayd waxyaabaha kulanka diirada lagu saaray.

Waxaa xusid mudan in todobaadyadii danbe ay isasoo tarayeen qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira ay kula safanayeen Sacuudiga ayna xiriirka ugu jareen Qatar.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magaalada New Yor ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Kheyre la kulmay wasiirka arimaha dibada dalka Qatar.

Kulamadaasi uu Raisal wasaaraha la qaatay Wasiirada arimaha dibada ee Imaaradka iyo Qatar waxa ay muujinayaan cadaadiska xoogan ee saran Dowladda Soomaaliya si ay u qaadato mowfiqka hadda ay tagan tahay mid ka madax banana.

Raisal Wasaaraha ayaa kulanka uu la qaatay Wasiirka arimaha dibada Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani waxa ay ka wada hadleen sidoo kale arimaha Khaliijka gaar ahaan Soomaaliya go’aanka ay ka taagan tahay.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Mowqifka Dowladda waxana uu sheegay inay isku dayayaan arimaha Khaliijka in wada hadal lagu dhameeyo.