Uncategorized

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u magacaabay Saadaq C/llaahi Cabdi xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska, kaasoo uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay xilkan oo ahaa mid banaan tan iyo bishii May markii la dilay Wasiir Cabaas Siraaji.