Somali News

Ra’iisul Wasaaraha UK oo caro kala kulantay Heshiiska cusub ee ka bixitaanka Midowga Europe

Muqdisho-KNN-Ra’isul wasaaraha Uk Theresa May ayaa heshiis cusub oo ku saabsan ka bixitaanka Bretain ee Midowga Europe waxaa ay geyneysaa baarlamaanka, xilli uu ay jiraan claamado muujinaya in xisbigeedu uu mucaarad ku hayay hogaaminteeda.

Ra’iisul wasaaruhu waxay qudbad u jeedin doontaa Baarlamaanka waxayna ka hadli doontaa isbadalka ay ku sameeyneeysay heshiiska looga baxayo Midowga Europe, laakiin Xildhibaanadda Xisbiga Shaqaalaha ayaa aaminsan in wax yar laga bedelay heshiiska loo keeni doono.

Tiro dhowr jeer ah ayaa Marwo May laga diiday heshiisyo ay ugu talo-gashay in Midowga Europe uu dalkeedu uga baxo, balse hadda waxaa laga maarmaan ah in ay xal u hesho ballanta ugu dambeeysa oo ah Bisha October ee Sanadkaan,

Shaqadda adag ee sugeeysa waxaa u dheer in xubno xisbigeda ka tirsn ay diidanyihiin in ay dalka sii hogaamiso.