Somali News

Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta hortago Xildhibaanadda Gollaha Shacabka.

Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada Golaha Shacabka ay xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan kulan ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kulankaan oo sida la qorsheeynayo furmi doono 9:00 subaxnimo ayaa waxaa codsaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre sida uu ku sheegay fariin uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Warar soo baxayo oo la xiriira kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha XFS  Xamse Cabdi Barre oo kuguuldareystay in uu 30-kii cisho ee sharciga ahaa ku dhameystiro xubnaha golihiisa Wasiirada uu dalban doona waqti dheeraad ah.

Xoggta ay heleeyso KNN ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha XFS uu Gollaha Shacabka BJFS ka codsan doono ilaa 10 maalin si uu usoo dhiso Gollihiisa wasiiradda Cusub, oo waqti dheer qaatay in lagu dhawaaqo Magacaabistooda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la qorsheeynayay in lagu dhawaaqo Gollaha wasiirada wallow jadwalkaasi wax iska bedeleen, kadib kulan Aan Saacado qaatay oo Villa Soomaaliya ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaana xusid mudan in Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu kol hore sheegay in uu soo dhisi doono Gollo wasiiro oo tayo leh, kana qeeyb qaata Xaalada Dalka uu jiro sidii looga bixin lahaa.