Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka Safray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu soo dhaweeyay Madaarta Khartuum, waxaana halkaa uu Mudane Khayre ugaaray sidii uu uga qeybgali lahaa Shirka Urur Goboleedka IGAD oo Suudaan ka dhacaya.
Shirkan ayaana Macno gooni ah uleh guud ahaan wadamada ku mideeysan IGAD, waxaana la filayaa in inta uu socda Kulankan heshiis ku aadan sidii lagu dhameeyn lahaa Colaadda Koofurta Suudaan ay ku kala saxiixdaan Madaxda Koofurta Suudaan.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimaaday ka gadaal markii uu baaqday Madaxweeynaha Soomaaliya oo lagu waday inuu halkaa usafro.




