Somali News

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qayb galaya 20 Sano Guuradda Puntland

Garawe-KNN-20 Sano guuradii kasoo wareegtay markii Puntland la aasaasay ayaa maanta laga xusayaa Magaaladda Garawe iyo magaalooyin kale oo maamulka ka tirsan.

Ra’iisul wasaare Khayre oo maalmahaan ku sugnaa Puntland ayaa Munaasabadda ka qayb galaya.

Waxaa lafilayaa in lasoo bandhigo Horumaraddii uu maamulku gaaray 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Arrimaha doorashadda 2019 ayaa sidoo kale lafilayaa in lasoo hadal qaado, maadaama ay tahay Qorshe weeyn oo indhaha ay ku hayaan Dadka Deegaanada puntland, Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka

1 August 1998 ayaa la aasaasay mamulka Puntland waxaa uuna ka mid yahay maamuladda ugu horreeya ee ka tirsan faderaalka Soomaaliya.