Somali News

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u Hanbalyeeyay Dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, la dagaallanka xagjirnimada iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku amaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda.

“Hambalyo dhalinyarada Soomaaliyeed Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naalooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore dagaalka uga jira iyaga oo sooman, guulo waaweyna ka soo hoynaya Waxa ay hureen dhiigooda si caruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

13 dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa Sanadkii 1943-dii waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimadii dalka ka dhalatay sanadii 1960-kii, waxaana maanta loo dabbaal degay 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkii SYL.