Somali News

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u safray Suudaan

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Saaka waxaa uu usafray Dalka Suudaan.

Safarka Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yimid ka gadaal markii uu baaqday safar lagu waday inuu dalka Suudaan ku gaaro Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo.

Wali lama oga Sababta rasmiga ah ee keentay baaqashada Safarka Madaxweeyne Farmaajo, waxaana sidoo kale la ogeeyn waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadli doono kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweynaha Suudan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Safarkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyada oo Isbadal xoogan uu ka socdo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.