Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo deg deg ugu yeeray Wasiirka Ganacsiga

Muqdisho–KNN–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa deg deg ugu yeeray inay Muqdisho ku soo laabato Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale oo safar shaqo ku joogta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in u yeeridan ay ka dambeysay, kaddib markii Wasiirka Ganacsiga ay soo saartay qoraal ay ku kala direyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya, taasoo xiisad kicisay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu Warbixin ka dhageysan doono Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale,Warbixintaas oo ku aadan Kala Dirista Golaha Rugta Ganacsiga oo Wasiirka Ganacsiga ay kala dirtay.

Shalay ayey aheyd markii la kala diray Rugta Ganacsiga oo lagu kala diray Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasaarada Ganacsiga.