Somali News

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Caabudwaaq.

Caabudwaaq-KNN-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta waxaa uu gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa ayaa loo diyaariyay goob fagaaraha ah oo loogu tala galay inuu Khudbad u jeediyo qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in maalmo kooban uu Ku sugnaan doono Magaalada Caabudwaaq, islamarkaana uu kulamo kala duwan la yeelan doono Madaxda maamulka Galmudug iyo odayeyaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn R/wasaaraha Soomaaliya ayaa Waxaa uu sheegay in ay dhisi doonaan Galmudug mideysan oo dhammaan maamulkeeda siman loo qeybsado, islamarkaana laga ilaaliyay sadburi.