Somali News

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada, maamulka Caasimadda iyo siyaasiyiin badan oo iskugu jira Galmudug iyo dowladda dhexe.

Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tago Dhuusamareeb intii uu xilka hayey, waxa uuna u tagay halkaas xal ka gaarista arimaha siyaasadeed ee Galmudug iyo sidii looga arinsa lahaa doorashada maamulkaas oo la iclaamiyey in ay bilaabato Afarta bisha nasoo aadan.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre wali kama hadlin safarkiisa uu kutagay Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in halkaas uu kulamo caawa kula yeesho madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb ku sugan, sidoo kalana uu Warbaahinta la hadlo saacadaha soo socda.

Wixii kasoo kordha kala soco KNN: