Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo u dhoofay Dalka Mareykanka

Muqdisho–KNN-– Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Goor Dhow ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona Shirka Golaha Guud ee QM oo ka dhici doona Magaalada New york Ee Dalka Mareykanka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho waxaa ka sii horeeyay Wafdi kale oo uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.