Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Jowhar–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo ku sugan Magaalada Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Diyaarad Qaas ah u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre waxaana Diyaaradaasi ay Shalay Gelinkii dambe ka soo qaaday Magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sababta uu Ra’iisul Wasaare Kheyyre ugu yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay tahay inuu Warbixin ka dhageysto Guddoomiyaha Maadaama Maalmo ka hor Xildhibaanada Hirshabelle ay Xilka ka Xayuubiyeen Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Shalay Waxaa Jowhar Kulamo Gaar gaar ah kula yeeshay Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweyne Cosoble Wafdi Wasiirro ah oo Muqdisho ka baxay si ay u soo damiyaan Guuxa Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Jowhar,iyagoo markii dambe ku soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa horay ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu duminayo Maamulka Hirshabelle islamarkaana Lacagtii loogu talo galay Degaanada Hirshabelle uu hadda u adeegsanayo inuu ku dumiyo sida uu hadalka u dhigay.