Somali News

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo daah furay Imtixaanka Shahaadiga ah

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta si rasmi ah u Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn maamul Goboleedyada, isagoo  dhiira geliyay Ardayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed Jaabir.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray Ciidamo Booliis ah, kuwaasi oo sugaya amaanka xarumaha lagu galayo imtixaanaka shahaadiga ah ee dowladdu ay qaadeyso.