Uncategorized

Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo gaaray magaalada Baardheere

Baardheere-KNN-Wafdi balaaran oo hogaaminayo Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Safarka Ra`iisul Wasaare ku xigeenka waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo xubna kale oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ee Wabiyada.

Xubnahaan ayaa qiimeyn doono xaalada dhabta ah ee ka dhalatay fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ee mara gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Magaalada Baardheere ayaa ah magaalo dadka ay isugu socdaalaan doomo, duleedkeedana ay ku daadsanyihiin kumaaan qoys oo rafaadsan.

Xubnahaan ayaa la filayaa in ay u sii gudbaan magaalooyin Luuq iyo Doolow oo isla gobolka Gedo k tirsan oo iyagana ay ka mid yihiin meelaha ay ka jirto saameynta fatahaada.