Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta Muqdisho ka furay shir la sheegay in looga hadlayo Dardar-gelinta, fulinta qorshaha dib u soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.
Munaasabadda lagu daah furayey shirkaas ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka socday beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in dowladda ka taageeraan mashaariicda horumarineed iyo arimaha bini’aadninimo ee dalka.
Mahdi Guuleed ayaa xusay in abaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuurayaan barakayaal cusub, sidaas darteedna loo baahanyahay in si dhaqsi ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah furay.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka, isagoo ka qayb galayaasha shirka ka dalbaday in ay ku biiriyaan fikradahooda, sibuu yiri xal miro dhal ah looga soo saaro shirkaas.
Qorshaha dib u soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka waxaa la sheegay in ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta.