Uncategorized

Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo maanta Muqdisho ka furay shir looga hadlayay amniga iyo qodobo kale

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka looga hadlayo amaanka iyo qodobo kale.

Shirkan waxaa ka qeyb-galayo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Ra`iisul Wasaare ku xigeenka ayaa shirkan maanta ka furay waxaana diiradda lagu saari doonaa sida ay socdaan Mashaariicda Horumarineed, waxyaabihii ka qabsoomay qadobadii looga hadlay shirarkii hore iyo Arrimaha la xiriira Amniga, Siyaasadda iyo fatahaada ku dhuftay qaar ka mid gobolada dalka iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.