Somali News

Ra’iisul wasaare Rooble oo amar dul dhigay Shaqaalaha Dowladda

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan Dib u eegista, Qiimeynta  iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhammaan Shaqaalaha dowladda looga baahanyahay in ay ilaaliyaan waqtiga shaqada.

” Si looga gudbo heerka uu hadda waddankeenu marayo, waa in qofka Soomaaliyeed uu shaqeeyo 8 saacadood ama wixii ka badan,ma u dulqaadan karno shaqaalo iska maqan ama aan imaan xilliga shaqada, ma yeeleyno mana aqbaleyno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shaqooyinka muhiimka ah loo qaato shaqaalaha rayidka ah ee khibradda iyo aqoonta leh.

“Sida aad ka warqabtaan xafiis kasta oo aad tagtid waxaa ku qoran la taliyeyaal ka mushaar badan shaqaalaha rayidka ah. Way wanaagsan tahay in la qaato dad khibrad leh iyo lataliyeyaal wanaagsan,laakiin haddana waa la tixgaliyaa shaqaaleheenna ma laga helayaa dad khibraddaas leh, Haa Waa laga helayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble